Tabarare Cabdullaahi Maxamed 
Waxaan kasoo shaqeeyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya muddo 12 sanno ee la soo dhaafay, waxaana lasoo shaqeeyay shirkaddaha caalamiga ee sida McDonald's, Carrefour iyo CentroPrint. Gaar ahaan qaybta saadka/Badeecaddaha (Logistics) iyo iibka (Sales).
Waxaan xirfadda Baariistaha ku bartay magaalada Jeddah, Boqortooyada Sacuudiga. Xilligan, waxaan ku noolahay magaalada Muqdisho, Soomaaliya muddo saddex sanno ee la soo dhaafay. Waxaan kasoo shaqeeyay magaalada Muqdisho maqaayaddo kala duwan sida: Maqaayadda Malin Cafe, Maqaayadda Silver iyo Maqaayadda Hyderabad.
Xilligan waxaan ahay tababare sare, waxa aan ka caawiya milkiilayaasha maqaayaddaha iyo ardayda tababarka aasaaska Baariistaha iyo maamulkiisa, waxaana waqtigan ka howl-gallaa Xarunta Xirfaddaha Al-camuudi oo aan ku barro ardayda xirfadda Baariistaha.