Qoraaga Weyn Napoleon Hill


Saxiibkay, buuggan wuxuu soo bandhigayaa fikradda ah sida loo helo maalka iyadoo maskaxda lagu hayo sidii loo ufikiri lahaa.


1. Fikradda Iimaanka

Rumeyso oo aamin inaad noqon doonto qof qani ah (maalka helay).


Qaamuus:


Iimaan = Aaminaad xooggan, kalsooni buuxda.


Qani = Qof maal leh, hantida helay.


2. Fikradda Aqoonta

Aadamuhu waa inuu leeyahay aqoon guud iyo aqoon khaas ah.


Aqoonta Guud: Waxyaabaha guud ee qof walba uu yaqaan.


Aqoonta Khaaska ah: Khibrad iyo xirfad gaar ah oo keenta xorriyadda maaliyaddeed.


Xigashooyinka Aqoonta Khaaska ah:


Barashada khibraddaada shaqsiyeed.


Barashada khibradda dadka kale.


Buuggaag iyo koorsooyin waxbarasho.


3. Fikradda iyo Qorsheynta Habaysan

Xayaladda waa awoodda maskaxda ee abuurista fikrado cusub. Waxay u qaybsantaa labo nooc:


Xayaladda Malashada (Synthetic Imagination): Isku-darka iyo isku-xidhka fikraddaha jira si loo abuuro fikrad cusub.


Xayaladda Hal-Abuurka (Creative Imagination): Abuurista fikrad gebi ahaanba cusub oo aan hore loo arag.


Fiiro gaar ah: xaaladdan wax badan kuma tarayso haddii aan si nidaamsan loo qorsheyn.


4. Fikradda Adkaysiga

Adkaysigu waa awoodda aad ku sii socoto dadaalkaaga iyada oo aanad quusan, inkastoo caqabaddaha iyo cabashooyinka ay jiraan.


5. Arrimaha dhima hal-abuurka iyo fikradda 


Talo: Ka fogow daawashada filimada qaawan iyo xiriirada aan xalaasha ahayn, si maskaxdaada iyo noloshaada looga ilaaliyo dhibbaato.


6. Fikradda Cabsida

Cabsi iyo iimaan (aaminaad) ma wada noollaan karaan.


Napoleon Hill wuxuu sharxayaa 6 nooc oo cabsi ah oo maskaxda ku dhaca:


Cabsida Faqriga: Walwalka la xiriira lacag la’aan.


Cabsida Cawaaqibka: Walwalka dhibaatooyinka ka dhalan kara ficilkaaga.


Cabsida Cudurka: Walwalka caafimaadka iyo xanuunka.


Cabsida Lumida Jacaylka: Walwalka xiriirka iyo jaceylka oo lumaya.


Cabsida Gabowga Da’da: Walwalka waqtiga iyo da’da oo sii kordha.


Cabsida Geerida: Walwalka dhimashada.


Faham: Cabsi waa xaalad maskaxeed oo u baahan in la baaro, lana mashquuliyo si loo yarreeyo.


Gunaanad:

Arrinta waa koobid guud oo ah fikraddaha muhiimka ah ee buugga Napoleon Hill. Si aad uga faa’iidaysato si qoto dheer, waxaa muhiim ah inaad akhriso buugga oo dhan ama aad dhagaysato nuqulka codka ah.